Soomaali / Somali

Ka warbixinta Gargaarka Sharciga ee Fiktooriya (Victoria Legal Aid)
VLA introduction

Waxaan kaa caawin karaa dhibaatooyinka sharciga wixii ku saabsan arrimaha dembiga, burburka qoyska, rabshada qoyska, kaalmada qoyska, Wasaarada Socdaalka (Immigration), Damaanada Bulshada (Social Security), caafimaadka dhimirka, deynta iyo gafafka wadada.

Adeegyadayada lacag la’aanta ah waxaa ka mid ah:

  • Macluumaadka telefoonka lagu bixiyo
  • Macluumaad, siminaaro iyo shir wax is tusaalayn ah
  • Talo iyo balan.

Haddii aad rabto caawima joogto ah oo garyaqaan waxaad dalban kartaa deeqda caawimo sharciga. Hellida deeqdo waxay ku xiran tahay xaalladaada.

Nala soo xiriir
Contact us

Na soo wac si aad u ogaato sida aan kuu caawin karo. Markaad soo wacdo, weydiiso mutarjum sheegna luqada aad ku hadasho.

Waxaa xafiisku furan yahay Isniinta ilaa Jimcaha, 8.45 subaxii - 5.15 maqribadii
Tel: (03) 9269 0120
Dadka magaalada ka baxsan waxay soo wacayaan 1800 677 402

Haddii aad balan la leedahay Xafiiska Gargaarka Sharciga ee Fiktooriya, weydii inaad hesho mutarjum. Adeegaani waa lacag la’aan.