Victoria Legal Aid

Somali/Soomali

Somali/Soomali – Sida aan uga caawin karno dhibaatooyinka sharciga ah.

Sida aan uga caawin karno dhibaatooyinka sharciga ah

Xogtan waxaa laga soo saaray Dhulka Wurundjeri Land.

Macluumaadkani waa sax laga bilaabo Janaayonwari 2022.

Dhibaatooyinka sharciga ayaa kaa dhigi kara in aad dareentid cadaadis, walaac, murugo ama xanaaq. Waxaan fahamsanahay in laga yaabo inaad sidaas dareento markaad nala soo xidhiidhid. Waxaan kaa caawin karnaa dhibaatadaada sharci.

Sida aad noogu sheegi lahayd dhibaatadaada sharci

Waxaa jira saddex siyaabood oo aad noogu sheegi kartid dhibaatadaada sharci. Waxaad awoodaa:

  • Inaad wacdid Legal Help (Laynka Caawinta Sharciga) 1300 792 387
  • Noogu soo qor onlayn adigoo isticmaalaya webchatkayaga
  • booqo mid ka mid ah xafisyadayada.

Si aad u diyaargarowdid, hel warqad kasta oo ku saabsan dhibaatadaada sharci. Warqaduhu waxay noqon karaan ganaax ama warqad ama iimayl ka timid maxkamad, qareen ama booliiska.

1. Wac Legal Help (Taleefoonka Caawinta Sharciga)

Waxaad wici kartaa Legal Help (Caawinta Sharciga) 1300 792 387.

Legal Help (Caawinta sharciga) waxay furan tahay Isniinta ilaa Jimcaha, 8 subaxnimo ilaa 6 galabnimo. Waa la xidhaa maalmaha ciidaha.

Wicitaanku wuxuu la mid yahay wicitaanka taleefanka deegaanka.

Qof walba waa lagu soo dhaweynayaa inuu waco Legal Help (Caawin Sharci).

Haddii aad wacdid Legal Help (Caawinta Sharciga), waxaa laga yaabaa inaad sugtid. Subaxda hore wac haddii aad awooddid.

Waxaa laga yaabaa inay dhakhso badan tahay isticmaalka webjaadka.

Ma ku hadli karaa luqaddayda?

Shaqaalaheenu waxay ku hadlaan afaf badan. Haddii aanaan ku hadlin luqadaada, waxaan kuu qabanqaabin doonaa turjubaan marka aad telefoon soo dirtid.

Ogow haddii aan ku hadalno luuqadaada.

Qof ma ii soo wici karaa?

Haa Shaqaale ama qof taageere ah oo aad ku kalsoon tahay ayaa na soo wici kara. Way fiicantahay haddii aad la joogtid shaqaalahaaga ama qofka taageerada ah marka ay soo wacaan. Shaqaaluhu waa inay raacaan tilmaamaha ku yaal liiska taleefanka.

Ma isticmaali karaa Adeegga Gudbinta Qaranka?

Haa Waxaa jira doorashooyin kala duwan:

  • TTY: wac 133 677 ka dibna wac 1300 792 387
  • La hadal oo Dhegeyso: wac 1300 555 727 ka dibna wac 1300 792 387
  • Internet Relay: gal nrschat.nrscall.gov.au ka dibna wac 1300 792 387
  • Gudbinta SMS: u dir 0423 677 767
  • Fiidiyowga Gudbinta: isticmaal Skype ama abka Adeegga Gudbinta Qaranka.

Waa inaad iska diiwaan gelisaa Adeegga Gudbinta Qaranka ka hor inta aanad isticmaalin.

2. Noogu soo qor webjaadka (Af-Ingiriisi kaliya)

Isticmaal webjaadkayaga, loo yaqaan Legal Help Chat, si aad ugu dirtid shaqaalahayaga dhibaatadaada sharci. Shaqaalaheena ayaa kuu jawaabi doona. Waxa laga yaabaa inay kuu sheegaan inaad wacdid Legal Help (Caawinta Sharciga) haddii aad u baahan tahay caawimo dheeraad ah.

3. Na soo booqo

Waxaad booqan kartaa xafiisyadayada. Waxaan xafiisyo ku leenahay Melbourne iyo gobolka Victoria. Soo ogow meelaha aan xafiisyo ku leenahay.

Waxaad u baahan doontaa ballan aad la sameysatid qareen.

Xafisyadayadu waxay leeyihiin salaan ama wiishash waana adeeg soo dhaweysa xayawaanka.

Maxaa dhacaya markaad nala soo xidhiidhid

Waxaan ku weydiin doonaa su'aalo. Tani waxay naga caawinaysaa inaan go'aan ka gaadhno caawimada aan ku siin karno.

Wax kasta oo aad noo sheegtid waa qarsoodi. Qofna uma sheegi doono waxaad tidhaahdo ilaa aad noo sheegtid inaan sidaa sameyan karno mooyaane.

Waxaan kaa caawin karnaa dhibaatooyin badan oo xagga sharciga ah. Haddii aanan ka jawaabi karin su'aalahaaga, waxaan ku siin doonaa faahfaahinta xidhiidhka qof awood u leh. Tani waxay noqon kartaa xarun sharci oo bulsho ama qareen gaar ah.

Sida aan u caawin karno

Xog iyo talo sharci

Waxaan kuu sheegi karnaa sharciga iyo fursadahaaga.

Waxa kale oo laga yaabaa inaan awoodno in aan:

  • kuu soo dirno macluumaad
  • kugula xidhiidhno maxkamada horteeda
  • kugu xidhiidhino adeegyada iyo taageerooyinka kale
  • Qor warqado
  • Maxkamadda kaaga hadalno.

Tani waxay ku xidhan tahay:

  • Dhibaatadaada sharci
  • inta lacag ah ee aad haysatid.

Waxaa laga yaabaa inaan awoodno inaan ku siinno gargaar dheeraad ah haddii aad:

  • ay ku adag tahay ku hadalka Af-Ingiriisiga
  • leedahay naafo ama arrin caafimaadka maskaxda ah
  • Aboriginal iyo/ama Torres Strait Islander.

Waxaan habeyn karnaa taageero si aad nagula soo xidhiidhid, sida turjubaannada ama National Relay Service (Adeegga Gudbinta Qaranka).

Waxaan kula xidhidhi karnaa siyaabo aad u aragtid inay ku caawinayaan.

Noo sheeg sida aad dooneysid in aan ku siino macluumaadka.

Duty lawyers (Looyarada heeganka ah)

Duty lawyers (Qareenada heeganka) u leh waxay ka shaqeeyaan maxkamadaha Fiktooriya oo dhan. Waxay ka cawiyaan dhibaatooyinka sharciga qaarkood. Waxa laga yaabaa inay ku cawiyaan maalinta maxkamadda haddii aadan hore u lahayn qareen. Haddii aad tageysid maxkamad oo aadan lahayn qareen, maxkamadda weydii haddii aad la hadli kartid Duty lawyers (qareen heegan ah). Waxaad sidoo kale waydiin kartaa adeegyada kale ee ku caawin kara.

Haddii aad u tageysid Maxkamadda Magistrate-ka sababta oo ah booliisku waxay yidhaahdeen waxaad jabisay sharciga, waxaa laga yaabaa inaad la hadashid qareen ku jira kahor intaadan maxkamada tagin. Wax badan ka ogow adeeggayaga Caawinta kahor Maxkamadda Help Before Court service.

Haddii aad tageysid Family Law Courts (Maxkamadaha Sharciga Qoyska), waxa laga yaabaa inaad la hadashid Advocacy Support Services (Adeegyada Taageerada Qoyska) iyo U doodista ka hor intaadan maxkamada tagin Family Advocacy and Support Services.

Taageero kale

Waxaan ku siin karnaa taageero kale oo dhibaatadaada sharci ah.

Independent Mental Health AdvocacyExternal Link (u doodista Caafimaadka Maskaxda ee Madaxabannaan) ayaa ku taageeri karta haddii aad qaadanayso daawaynta caafimaadka dhimirka ee khasabka ah.

Independent Family Advocacy (u doodista Qoyska ee Madaxbanaan) iyo Taageerada waxay taageeri kartaa waalidiinta iyo daryeelayaasha aasaasiga ah marxaladaha hore ee nidaamka ilaalinta ilmaha.

Haddii adiga iyo lammaanahaaga aad kala tagtaan, Family Dispute Resolution Service (Adeegga Xallinta Khilaafaadka Qoyska) ayaa ku taageeri kara si aad heshiis u gaadhaan. Tusaale ahaan, yaa ilaaliya carruurta.

Hel macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dhibaatadaada sharci

Websaadyada waxa uu hayaa macluumaad ku saabsan dhibaatooyin badan oo xagga sharciga ah.

Waxaad soo uruurin kartaa websaadkeyga ama waxaad iskaangareyn kartaa akhriska shaashadda.

Ma haysaa macluumaad ku qoran si fudud ama luqaddayda?

Waxaan haynaa buug-yareyaal bilaash ah oo ku saabsan mawduucyo sharci oo ku qoran luqado kala duwan iyo si fudud loo akhrin karo.

Waxaad ka heli kartaa buug-yarahayada boggayaga kaatalooga (catalogue pageExternal Link ).

Waxaad isticmaali kartaa akhriska shaashadda si aad u akhridid daabacaadyadayada.

Ictiraaf

Shared Experience and Support (Waayo-aragnimadayada aan wadaagno iyo Taageero) iyo Speaking from Experience (iyo khibrad ka hadalka) kooxaha waaya-aragnimada ayaa naga caawiyay qoritaanka boggiisa.

Disclaimer: The material in this print-out relates to the law as it applies in the state of Victoria. It is intended as a general guide only. Readers should not act on the basis of any material in this print-out without getting legal advice about their own particular situations. Victoria Legal Aid disclaims any liability howsoever caused to any person in respect of any action taken in reliance on the contents of the publication.

We help Victorians with their legal problems and represent those who need it most. Find legal answers, chat with us online, or call us. You can speak to us in English or ask for an interpreter. You can also find more legal information at www.legalaid.vic.gov.au

Reviewed 20 May 2022

In this section